Badbaado
Dugsi sare Himilo High School fasalka 11-B wuxuu u muuqday sidii maalin caadi ah.
Ardaydu waxay ku jireen casharka xisaabta markii si lama filaan ah ilaa saddex arday ay bilaabeen inay dareemaan daal, wareer iyo hurdo badan oo aan caadi ahayn.
Macallinka ayaa markiiba fahmay in arrintu aysan ahayn wax yar. Wuxuu garaacay maamulka waxaana degdeg loo geliyay ardaydii qolka caafimaadka Kadib dhowr daqiiqo warkii dugsiga oo dhan gaadhay: “Waxaa dugsiga lagu arkay xanuun cusub oo hore loo arag astaamihiisana ah daal fara badan ugu dambayna ay lumiyaan dareenka oo dhan.
Maamulka ayaa ku amray fasalka 11-B: “Qofna ha ka bixin dugsiga ilaa aan xaaladda hubinno.”.
Markii albaabada la xiray ardaydu waxay arkeen in xanuunku si dhaqso ah u fidayo ,
laba arday oo kale ayaa bilaabay inay daciifaan oo ay daremaan daal deedna jiifsadaan.
Ka sokow dareenka jirka waxaa jiray in Xanuunku u muuqday mid u faafaya si qarsoodi ah oo aan la arki karin.
cosob ayaa tidhi:
“Waxaan u maleynayaa in uusan ahayn xanuun caadi ah eega sida aynan waxba u taabanin oo uu haddana u fidayo!”
Mirre ayaa yidhi:”Haddii aan doonayno inaan badbaadno, waa inaan iska ilaalinaa wax walba ay kamid tahay hawada, biyaha, taabashada… wax kasta.”
Dugsigu wuxuu noqday meel aamusnaan iyo cabsi buuxisay.
Waxay maqleen codad ka imanaya qolalka kale,arday hurda dhulka yaala iyo korontadii oo hadba baqtiinaysa marna shidmaysa.
Koox arday ah oo ka mid yihiin cosob, mire iyo kuwo kale ayaa go’aansaday inay ka fogaadaan meelaha ay joogeen ardaydii kale oo uu xanuunku ku dhacay.waxana ay sameeyeen qorshe kaaso ah:
- Inay ka fogaadaan meelaha cidhiidhiga ah
- Inay wajiga maro ku duubtaan madaama xanuunku u eegyay mid virus sababay
- Inanay taaban meelaha sida kaabadaha iyo jaranjarooyinka.
- Iyo inaysan kala lumin oo ay iska warhayaan .
Kooxdii ardayda way socdeen Markii ay gaareen maktabadda dugsiga ayaa Cosob waxay aragtay kombiyuutarka macallinka file qarsoodi ahaa oo magac ku qoran:
“Project madube – Phase 1”
Waxay furteen file-ka, waxayna ogaadeen in dugsiga lagu tijaabiyay mashruuc ku saabsan hawo nadiifin, balse Khalad dhacay oo hawo tijaabo ah ay u fiday qaybta fasalka 11-B.
Medube waa hawo aan la arki karin oo keenta:
- Daal
- Hurdo dagdag ah
- Inay arkaan wax an hor joogin
- Iyo in qofku qaybta maskaxda ee fikirka shaqadeeda gaabiso.
Laakiin ma aha mid dilaa ah oo haddii la ogaado waqtigeeda waa laga badbaadi karaa.
Mahad ayaa yidhi: “waa inaynu helnaa sida loo xakameeyo hawada.”
Xanuunku wuxuu sii qaatay fasalka intiisa kale. Kooxdu waxay go’aansadeen inay helaan qolka dabaysha lagu xakameeyo.
Markay galeen nidaamka hawada wuxuu ku shaqeynayay wax ka badan awooddiisii taas oo keentay in hawo tijaabo ahi so gasho.
Xildiid oo farsamada kombuterka aad u yaqaanay ayaa yidhi:
“Waan joojin karaa balse waa hal mar kaliya. Markaan baqtiiyo waa inaan ka baxnaa dugsiga.”
Markay nidaamka damiyeen dhamaan albaabadii dugsiga ayaa is furay si toos ah.
Waxay ku carareen bannaanka iyagoo neefta ay ku adagtahay laakiin way guuleysteen.
Adeega gargaarka dagdag ah iyo maamulka caafimaadka ayaa yimid.
Ardaydii kale waxaa la siiyay daryeel degdeg ah dhammaantoodna way kasoo kabsadeen.
Shaqaalaha dugsiga waxay sheegeen in mashruuca iftin uu ahaa khalad farsamo isla markaana mar kale aan la isticmaali doonin.