Cadkii Hilibka
Waxaa jiri Eey, eeygii isaga oo mar suuqa maraya ayuu helay cad weyn oo hilib ah. Wuxuu go’aansaday inuu gurigiisa la aado si uu kaligiis u cuno.
isaga oo hilibkii afka ku sita, ayuu ka gudbayay buundo yar oo biyuhu hoos ka qulqulayaan.
Markuu eegay biyaha, wuxuu arkay muuqaalkiisa oo biyaha ka soo muuqda balse eeygu ma fahmin in uu yahay isaga.
Wuxuu u maleeyay in eey kale uu biyaha hoostooda ku jiro, uuna sito hilib kale oo ka weyn kan uu haysto.
Markaas ayuu eeygii hunguri galay, wuxuuna yidhi isaga oo isla hadlaya:
“Haddii aan eeyga hoosta jooga hilibkiisa qaato, labo hilib ayaan heli!”
Isagoo sidaas leh ayuu afkiisii kala furay si uu eeyga kale uga qaado hilibka.
Laakiin isla markiiba cadkii hilibka ahaa buu ku tuuray biyihii!
Markuu arkay hilibkii oo biyaha raacaya, eeygii wuu niyad-jabay. Wuxuu ogaaday in kan biyaha ku jiray uu ahaa hadhkiisii, oo uusan jirin eey kale.
Eeygii wuu ooyay isagoo leh:
“Haddii aan ku qanacsanaan lahaa wixii aan haystay, man lumin lahayn hilibkaygii!”