Cali Beenaale: Qaybtii 1aad
Waxaa jiray nin la odhan jiray Cali Beenaalle oo caan ku ahaa been iyo mala-awaal.
Maalin ayuu ka soo baxay miyiga isaga oo u socda magaalada si uu u iibiyo quraarad Subag ah oo uu watay.
Wuxuu is yidhi:”Haddii aan magaalada gaaro Subaga waan iibinayaa.”
Markii uu in badan socday wu daalay waxana uu hoos fadhiistay geed hadhwayn leh, waxana uu bilaabay inuu riyoodo.
Waxa uu ku riyooday isaga oo Subagii iibiyay, waxana uu ku iibsaday lacag fiican. Lacagtaas waxa uu ku iibsaday digaag. Digaagii waxa uu dhalay Beed badan. Beed kii wuxuu ku iibsaday Adhi. Adhigii wuxuu u dhalay Adhi badan. Adhigii wu batay, waxana uu yeeshay xoolo aad u tiro badan waxana uu noqday nin taajir ah.
Isagoo weli riyo ku jira, Cali Beenaale ayaa lugta la booday isagoo leh:”Anigu waan taajiray!”.Balse quraaradii uu gacanta ku hayay way ka dhacday, wayna jabtay subagiina wuu daatay.Cali Beenaale wuu istaagay wuxuuna arkay wax walba oo burburay.
Waxa uu ku qayliyay:”“Aaway Subagii?Aaway lacagtii? Aaway adhigii?”
Dadkii ka ag dhawaa ayaa ku qoslay kuna yidhi:”Riyo laguma taajiro”.