Digaagadii caqliga badnayd

Waxaa jiray digaag hooyo oo degan beer yar oo geedo leh. Digaagadu waxay ahayd mid feejigan, oo aad u jecel caruurteeda.

Maalin maalmaha ka mid ah, digaagadu waxay dhashay saddex digaag oo yar-yar oo la kala odhan jirey Danab,  Casaawe iyo Daahir. Waxay ahaayeen kuwo qurux badan hooyadooduna aad bay u ilaalin jirtay.

Subax  ayaa digaagadu caruurteeda la baxday si ay cunto u raadsadaan. Iyagoo ku raaxeysanaya qorraxda, ayaa si lama filaan ah Guumays (shimbir weyn oo hilib cun ah) ka soo muuqday cirka.

Guumaysku wuxuu kor ka arkay digaaga yaryar oo ciyaaraya, wuxuuna is yiri:

“ Maanta waxaan heli doonaa quraac fudud.”

Wuxuu hoos u soo duulay si degdeg ah. Digaagadii hooyada ahayd ayaa maqashay baalasha shimbirka oo si xoog ah u foorarsan, markaasay aragtay inuu hoos u soo socdo.

Degdeg ayay qaylisay:

“Caruurtayda, Gala geedka hoostiisa!”

Saddexdii digaag yar way ordeen, waxay galeen geedka hoosti . Digaagadii hooyada ahaydna waxay fidsatay baalasha si ay u ilaaliso.

Gumayskii wuu soo dul degay isagoo xanaaqsan, wuxuuna yiri:

“I sii dhalaha! Maanta waan cuni doonaa!”

Laakiin digaagadu waxay ku tiri si geesinimo leh:

“Maya! Caruurtayda cid igama qaadi karto inta aan noolahay!”

Guumayskii wuxuu isku dayay inuu ku duulo, balse digaagadii hooyada ahayd ayaa si adag u dagaallantay, iyadoo qaylinaysa, baalasha ruxaysa, dhulkana ku garaacaysa. Dhirtii iyo ciidii ayaa kacday.

Markii ugu dambeyntii, curigii wuu ka baqay dagaalka adag ee digaagadu muujisay, wuxuuna kor u duulay isagoo leh:

“Hooyadan yar ayaan ka adkaan waayay!”

Markuu tagay, digaagadii hooyada ahayd waxay soo baxday iyadoo neefsanaysa, caruurteediina way soo baxeen. iyagoo faraxsan in ay hooyadood badbaadisay.