Diin iyo Dacawo

Bari waxa jiri jirey Diin iyo Dacawo. Dacawadu waxay ahayd mid aad u caqli badan waxayna tidhi :” Diinow labadeena waxaynu raadsanaynaa meel aynu seexano ,qof kasta wuxuu helo isagaa iska leh ,anigu waxan marayaa wadada cad adiguna ta madow.”
Siday u socdeen Diinkii wuxu helay guri wayn oo dabaq ah oo dhisan oo leh albaab waxana taalay sariir halka Dacawadii ay heshay buul an dhisnayn oo meel kasta ka daloola.
Dacawadii waxay aragtay cirkii oo rooban, Qoraxduna sii dhacayso waxayna tidhi:” Diinow hadii kadinka col kuuso galo meel aad ka baxdo ma leh, halka anigu aan meel kasta ka bixi karo”.
Diinkii ayaa yidhi:” Dayooy iga badalo “. Deedna Dacawadii way diiday, sidu u baryayey ugu danbayn way ogolaatay. Sidaasna bay habeenkii ku seexatay gurigii halka uu Diinkii uu buulkii seexday. Markay Saq dhexe ahayd ayuu roob soo da’ay oo Diinkii qoyay. Markii uu u adkaysan waayey dhaxanta iyo roobka ayuu gurigii Dacawado tagay kuna garaacay albaabka isagoo leh :” Dawooy albaabka iga fur”. Dacawadii kamay furin albaabka , halkii ayuu Diinki seexday habeenkii isaga oo aad u dhaxamonaya.
Markii uu waagu baryay ayay is raaceen ,sidii si la mid ah ayay Dacawadii tidhi:”adna wadada madow mar ana wadada cad ban maraya oo waynu ugaadhsi tagaynaa”.
Markii in badan la socday ayuu Diin ku helay Wan buuran oo shilis halka ay Dacawadu heshay Lax da’a ah oo aad u dhuuban. Markii lays ku yimi ayay ku tidhi Dacawadii :” Adigu waxaad heshay Wan qudhun ah, aniga lax daydu way buurantay oo waxa ka da’aya waa Subag”.
Diin kii wuxu mar kale baryay Dacawadii isaga oo waydiisanaya inay ka badalato. Markii ay dhowr jeer diiday ayay markii danbe u badashay .
Waxay shiteen dab waxana ay saareen hilbihii , Dacawadii waxa ay shiishay neefkeedii waana ay ka dharagtay intii usoo hadhayna weel bay ku guratay halka Diinkii neefkii uu dabka saaray noqday lafo wax uu cuno kama uu helin. Sidaa ayay Dacawadii uga caqli badisay Diinkii .