Diinki iyo Bakaylihi

Bari waxa jiri jirey Bakayle iyo Diin saaxiibo ahaa . bakayluhu wuxu ahaa mid diinka ugu faana orod wuxuna ahaa mid ka dheereya . maalin maalmaha ka mida aya Diinki wuxu ka codsaday inay tartamaan , Diinki aya wuxu bakaylihi ku yidhi “waxan rabaa inaa ila tartantid ee ma ila tartami kartaa waxanan ku tusaya inaa kaa dheereeyo”.
Bakaylihi intu qoslay ayu yidhi “waan hubaa orodkayga wanan hubaa inan ka dheeraynayo “. Bakaylihi iyo Diinki waxay yimaden goobti ay ku tartami lahayen waxayna samaysten calaamad taaso oo ah Meesha lagu kala badinayo. Waxayna bilaabeen inay ordaan.
Isla markiba Bakaylihi wuxu ka dheereyay Diinki lakin isagi oon gaadhin meeshi lo calaamadiyay aya waxa u bilaabay inu iska seexdo marku arkay inu ka dheereyay waxa uuna joojiyay orodki. Bakayluhu wuxu aha mid isku kalsoon oo orodkiisa ku qabay kalsooni balaadhan lakin Diinku ma joojin dadaalkisa oo wuu sii waday orodkisa wana uu dhaafay bakaylihi oo hurda waxuna tagay goobti ay calaamadsaden . sidaa ayuu Diinki kaga adkaaday Bakaylihi tartanki orodka ahaa wuxuna ugu faani jirey Bakaylaha inuu ka adkaaday.
Nuxurka shekada waxa weye in dadaalka aad ku dhaafi karto qof kasta oo ka sareeya.