Geesinimadii Faahiye

Geesinimadii Faahiye

Dugsiga hoose dhexe ee Kaaah Primary waxaa lagu yaqaanay fasal 7-aad arday buuq iyo qosol badan.
Fasalkaas waxaa dhigta caruur kala duwan, qaar firfircoon, qaar aamusan, iyo qaar Xisaabta ku wacan iyo kuwa kale oo ku wacan ciyaaraha kala duwan sida kubada kolayga iyo kubada cagta.

cawil waxa uu ku cusbaa fasalka waxana uu ahaa wiil deggan, akhris badan laakiin gooni-socod ah.Maalin kasta, marka la gaaro xiliga nasashada, Cawil wuxuu fadhiisan jiray geed hoostiisa si uu u cuno cuntadiisa Balse Caydiid iyo labadiisii saaxiib ee Xaashi iyo Caabi mar walba way u tagi jireen, midkoodna wuxuu ku yidhi: “Cawil, keen cuntada. Caydiid baa raba!”

Cawil wuu aamusaa ma doonayo dagaal, ma doonayo buuq.
Wuxuu u dhiibaa cuntadiisii, isagoo wajigiisa murugo ka muuqato.

Caydiid markuu arko, wuu qoslaa, wuxuuna ku faanaa:

“Hadda waad aragteen, fasalkan anigaa amarkiisa leh!”

Caydiid waxa ka baqa ardayda fasalka oo dhan waxa uuna amro ayey sameyaan. Dhowr cisho ayuu Cawil ka qaaday cuntada isagoo si jees jees ah qashinka ku daraya laakiin maalintii xigtay, Faahiye oo caadiyan fasalka ku seexda ayaa arkay dhacdadaas.
Markuu u fiirsaday sida ay Cawil uga qaateen cuntada ayuu istaagay isagoo aan ka fikirin.

Wuxuu yidhi cod adag oo fasalka dhan maqleen:

“Caydiid, Xaashi iyo Caabi maxaad u dulmiseen Cawil? Ma waxaad moodaan in xoog lagu noqdo qof la ixtiraamo?”

Caydiid ayaa qoslay, wuxuuna yidhi:

“Adigaa hadlaya, Faahiye? Ma adigaa na canaananaya! hurdada ku noqo?”

Faahiye wuu istaagay, wuxuuna si daggan u yidhi:

“Haa, waan hadlaa marka dulmi arko.”

Xaashi iyo Caabi waxay isku dayeen inay Faahiye ku soo boodaan laakiin Faahiye oo feedh ahaan tababaran ayaa si tartiib ah isaga difaacay isagoo aan dhaawicin.

Ardaydii kale way yaabeen. Caydiid, markii uu arkay in Faahiye uusan ka cabsanayn, wuu aamusay.

Cawil wuu u mahadceliyey Faahiye, isagoo leh:

“Waan kaa mahadcelinayaa, Faahiye.”

Faahiye ayaa dhoolla-caddeeyey. sidaas ayayna saaxiib ku noqdeen cawil iyo faahiye halka caydiid iyo asxaabtiisa ay joojiyeen inay ku tacadiyaan ardayda kale.