Jacaylka Waalidka
Waxaa jirtay hooyo lagu magacaabo Nura iyo seygeeda Warsame, oo lahaa saddex carruur ah oo kala ah Hanad, wiilka ugu weyn (17 jir), Haboon, oo ah inanta dhexe oo (15 jir) ah iyo Xirsi, kan ugu yar oo ah (13 jir).
Markii hore, caruurtu aad bay u jeclaayeen inay waalidkood la joogaan, wax wada cunaan, wada qoslaan, oo wada ciyaaran.
Balse markay koreen, waxay bilaabeen inay u maleeyaan in ay “weynaadeen,” oo aysan waalidkood u baahnayn.
Hanad wuxuu bilaabay inuu hadal adag bixiyo,
Haboon waxay tidhi: “Hooyo, ha faragelin Noloshayda,”
Xirsina mar walba wuu xanaaqi jiray haddii waalidkii talo siiyo ama waaniyo.
Nura way murugootay, balse ma aysan xanaaqin. Hal maalin ayay caruurteeda u yeedhay, waxayna tidhi si deggan:
“Carruurtayda, markaad yaraydeen, adinkaa iga codsan jiray inaan idin caawiyo, markaad daalan tihiin, gaajeysantihiin, ama xanunsan tihiin.
Hadda oo aad weynaateen, ma dhihin waan idinla dagaallamayaa, ee waxaan rabaa inaad ogaataan qof walba wuu koraa, Balse jacaylka waalidka ma yaraado.”
Carruurtu way aamuseen. Hanad ayaa yidhi:
“Hooyo, waxaan moodaynay in adiga iyo aabbahay aad nala mid tihiin, dad waaweyn oo aan na fahmi karin.”
Nura way dhoolla-caddeysay, waxayna tidhi:
“Waalidku waa saaxiibka ugu dhow ee aad nolosha ku heli karto, haddii aad la hadasho, wuu ku fahmaa.”
Maalin maalmaha ka mid ah, Hanad ayaa keenay dhibco hoose imtixaankii, wuxuuna markaas xusuustay hadalkii hooyadii. Markuu guriga yimid, hooyadii iyo aabbihii way dhagaysteen, wayna caawiyeen.
Laga bilaabo maalintaas, saddexdii caruur waxay barteen in weynaanta dhabta ahi aysan ahayn madax-adayg, ee ay tahay dhagaysiga waalidka iyo ixtiraamka waalidka.
Nuxurka shekadu waa “waalidka iyo caruurta inay is dhagaystaan isna fahmaan iskuna kalsoonadaan”