Libaaxii iyo Bakalylihii

Libaaxii iyo Bakalylihii

Waqti hore, meel kayn ah ayaa ku noolaa libaax weyn oo aad u xoog badan.
Libaaxa waxaa ka cabsan jirey dhammaan xayawaanka kale ee kaynta maxaa yeelay wuxuu ahaa mid gaajo badan oo cid walba cuno.

Maalin kasta wuxuu ugaarsan jiray xayawaanka kale qaarna wuu dilay, qaarna wuu dhaawacay.
Xayawaankii kale way daaleen ma jirin cid nabad ku nool.

Markaas ayay isu yimaadeen oo yidhaahdeen: “Haddii aynaan xal helin, libaaxan wuu na wada cunayaa.”

Waxay go’aansadeen inay u diraan bakayle yar oo caqli badan si uu libaaxa ula hadlo. Bakaylihii ayaa u tagay libaaxii isagoo si deggan u leh:

“Libaaxoow, waxaan haynaa talo. Si aan uga badbaadno dagaal iyo qax maalin kasta hal xayawaan ayaanu kuu soo diri doonaa, adiguna waad dhargaysaa.”

Libaaxii wuu aqbalay , wuxuuna yidhi:

“Waan kugu raacsanahay Laakiin haddii aan gaajoodo, idinma cafinayo.”

Xayawaankii kale way farxeen, maadaama ay helleen fursad ay ku negaadaan.

Maalmo badan kadib waxaa la gaadhay maalinkii bakaylaha loo dirayay inuu libaaxa u tago.
Laakiin bakaylihii wuxuu ku fikiray:

“Haddii aan tago, wuu i cunayaa. Waa inaan xeelad sameeyaa.”

Wuxuu go’aansaday inuu habsaamo, si uu qorshe u diyaariyo. Markii dambe u tagay libaaxa, libaaxii aad buu u xanaaqay.
Wuxuu ku qayliyay:

“Maxaad iigu timid goor danbe? Gaajo ayaan la ooyayaa!”

Bakaylihii ayaa yidhi isagoo si cod oo dagan ugu jawabaya:

“Libaaxoow, anigu hore ayaan u soo baxay laakiin anigoo wadada ku jira ayaa libaax kale oo weyn i joojiyay.
Wuxuu ii sheegay in adigu aadan ahayn boqorka kaynta, isaga ayaana sheegtay inuu yahay boqorka dhabta ah.”

Libaaxii markuu maqlay, aad buu u cadhooday.
Wuxuu yidhi:

“Libaax kale? Halkee ayuu joogaa? I gee, waan tusayaa cida boqor ah!”

Bakaylihii ayaa si xeeladaysan u hogaamiyay libaaxa ilaa uu gaarsiiyay ceel weyn oo biyo leh.
Wuxuu yidhi:

“Halkaas ayuu ku jiraa libaaxa kale. Anigoo biyaha fiirinaya ayaan arkay isaga oo kaa wayn.”

Libaaxii markuu ceelka eegay, wuxuu arkay muuqaalkiisa oo biyaha ka soo muuqda!
Wuxuu mooday inuu dhab yahay,inuu yahay libaax kale.

Wuxuu ku qayliyay:

“Waan arkaa! Bal aan tuso cida halkan boqor ka ah!”

Markaas ayuu ku booday ceelkii, isagoo doonaya inuu la dagaallamo libaaxa kale.
Laakiin ceelku wuu qoto dheeraa, wuxuuna libaaxii ku dhacay biyihii mana soo noqonin mar dambe.

Bakaylihii wuxuu u laabtay xayawaankii kale isagoo leh:

“Ha cabsanina Libaaxii wuu tagay, xeelad iyo maskax ayaynu kaga guuleysanay.”

Xayawaankii oo dhan way dabaal-degeen waxayna ku qeyliyeen:

“Nabad ayaa noo dhalatay Mahadsanid, Bakayle!”