libaaxii iyo maroodigii

Dhageyso Sheekada

0:00 0:00

Maalin maalmaha ka mid ah ayu libaaxii doonay inuu ugaadhsado waxana uu soo dilay Deero. Deeradi ayuu libaaxii cunay marki uu dhamaystey hilibkeedi ayay dhuunta u gashay laf wayna kasoo bixi waydey.

Libaaxi intuu aad u qayliyay ayuu raadiyay xayawaan ka saara lafta balse wuu waayay marki danbe ayaa waxa uu arkay Daa’uus geed saaran waxa uuna libaaxii ku yidhi” waxa afkayga ku jira laf waxana ka codsanaya inad iga so saarto “. Daa’uuskii ayaa ku jawaabay “waxan ka cabsanaya gacantayda hadan afkaga galiyo inaad I cunto lama galayo “ .

Libaaxi wuu iskaga tagay Daa’uuskii isagoo aad u cadhaysan , libaaxi oo qaylinaya ayaa waxa uu arkay Bisad waxana uu ku yidhi “waxa dhuunta ii fadhiisatay laf waxan ka codsanaya inaad iga so saarto”.  Bisadii waxay tidhi “waxan ka cabsanaya inad I cuntid”.

Libaaxii oo cadhaysan ayaa ka tagay xayawaankii waxana uu arkay Maroodi gaadhi waayey midho geed ku yaala, libaaxi waxa uu u tagay maroodigii waxana uu ka codsaday inuu lafta ka soo saaro. maroodigu ma ahayn mid baqaya isaga oo ku kalsoon awoodiisa . maroodigii isla markiiba waxa uu kasoo saaray laftii dhuunta u fadhiday isagoo gacankiisa dheer adeegsanaya , maroodigii waxa uu ka codsaday libaaxii in uu midhaha geedka saaran usoo daadiyo maadaama uu gaadhi waayey libaaxii aya fuulay geedkii oo uso daadiyay midhihii.

Libaaxii iyo maroodigii waxay noqdeen labo saaxiibo ah wixii ka danbeeyay maalinkas.