Maandeeq iyo Kabtii dahabka

Waqti fog, dhul doog iyo daaqsin leh ayay ku noolayd inan lagu magacaabo Maandeeq. Maandeeq waxay ahayd inan dhaqankeeda iyo edebteeda lagu majeerto, gacan furnaanta iyo naxariista dadka iyo xoolaha labadaba ku wanaagsanayd.

Aabbaheed, oo ahaa oday geeljire ah, wuxuu geeriyooday ka dib markii uu guursaday haweeney la yiraahdo Hibaaq. Hibaaq waxay lahayd laba hablood oo nin keedi hore u dhashay, magacyadooduna ahaayeen Saafi iyo Siraad.

Markii odaygii geeriyooday, Hibaaq waxay ku khasabtay Maandeeq in ay noqoto adeegto taaso ah inay aqalka nadiifiso, biyaha ceelka ka soo dhaamiso, xoolahana daaqa u raacdo. Dharkeedu wuxuu noqday duug, gacmaheeduna waxay noqdeen kuwo khalafsan.

Saafi iyo Siraad waxay ahaayeen hablo kibir badan oo habeen iyo maalin is qurxiya. Waxay ku qosli jireen Maandeeq marka ay ku arkaan iyada oo xoolaha daba socota, iyagoo ku leh:
“Adigu waxaad tahay adeegto, annagu waxaan nahay hablo reer boqor.”

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa magaalada ceerigabo laga soo diray war: Wiilka Suldaanka ayaa guur doonaya, waxaana xero weyn lagu qaban doonaa xaflad taaso lagu so bandhigi doono ciyaaro dhaqmeed markaana uu ku dooranayo gabadhii qalbigiisa ku habboon. Hibaaq waxay u diyaarisay dhar iyo labbis Saafi iyo Siraad, Maandeeqna way ka reebtay.

Maandeeq iyadoo ka xun arinkaas ayeyy hoos fadhiisatay geed weyn oo xero ka ag dhow iyada oo ilmaynaysa. isla markiiba waxa hor timid islaan waayeel ah oo sidata ul iyo ubax aad u udgoon, Waxay tiri:
“Maandeeq, adiga qalbi fiican baad leedahay, hadana waxan ku diyaarinaya si aad u tagto xafladda.”

Islaantii waxay ka samaysay maqaarka geel dhar aad u qurux badan, waxayna siisay kabo dhalaalaya oo la moodo in xiddigaha ka samaysan yihiin. Waxay siisay faras madow oo degdeg badan. Waxay ku tiri:
“Laakiin ka hor inta aanu habeenku dhammaan, xafladda ka soo noqo.”

Maandeeq waxay tagtay xafladdii, waxaana indhaha ku dhuftey Wiilka Suldaanka. Qof kastaa wuu la yaabay dhaqanka iyo quruxda Maandeeq. Ciyaartii Jaan-dheerta ayaa la isugu yimid, Balse habeenku intanu dhamaan ayey ka baxday xafladda iyadoo kabtii mid ka mid ah ka tagtay.

Wiilka Suldaanka wuxuu qaaday kabtii wuxuuna amray in gabadh kasta oo tuulada joogta in loo galiyo. Saafi iyo Siraad midna lugtoodu kuma habboonayn. Markii Maandeeq timid, kabtii si qumman ayay ugu habboonaatay, wiilkuna wuu aqoonsaday.

Waxay noqotay xaaskii Wiilka Suldaanka, waxayna la timid caddaalad, cafis iyo naxariis. Waxay cafisay Saafi iyo Siraad, waxayna hadiyado u dirtay dadkii reer miyiga ah ee ay ka soo jeedday.

Sidaas ayay Maandeeq ku noqotay boqorad Soomaaliyeed oo ku suntan akhlaaq iyo sharaf.