Ninkii Seexdaa Sicii Dibi Dhalay

Ninkii Seexdaa Sicii Dibi Dhalay

Waxaa jiray laba nin oo saaxiiba ahaa oo laba Sac kala lahaa. Maalin maalmaha ka mida waxa la gaadhay xiligii ay labada Sacba ay dhali lahaayen, waxanay noqotay inay isku maalin dhalaan labaduba.

Labadii nin waxa ay fadhiisteen geed hoostii iyaga oo sugaya inay arkaan ilamaha ay dhalaan labada Sac.

sidii ay geedka u hoos fadhiyeen ayuu midi sexday kii kalana wuu soo jeeday , markii ay dhaleen labadii Sac ayaa midi wuxuu dhalay Sac midna Dibi.

nimankii waxay isku qabsadeen Sicii oo ay ku dagaalameen dabadeedna waxay u tageen nin u garnaqa oo garta gooya.

Ninkii markii uu u dhagaystey gartii ayuu yidhi: “Ninkii Seexdaa Sicii Dibi Dhalay”.