Qori is-maris

Qori is-maris

Bari Waxa jiri jirey shan hablood oo la noola aabahood oo xoolo dhaqato ah. waxay ku noolaayeen baadiyaha fog. Maalin maalmaha ka mid waxa aabahood u yimid nin oo waydiistay inuu hablihiisa mid ka mida siiyo. odaygii wu ka aqbalay waxana uu siiyay inantiisii ugu waynayd.

Inantii markii la siiyay ayaa bu kaxeeyay, markii ay in badan wada socdeen ayuu ninkii is mariyay qori waxaana uu noqday Dhidir, isla markana cunay inantii.

Mudo yar marka laga joogo ayuu tuuladii ay habluhu dagnaayeen kuso noqday ninkii, waydiistayna odaygii inan kale waxanu yidhi :” Adeer xaaskii ba iga xanuunsanaysa ee waxaad iiso dirtaa hablaha mid ka mida oo iga caawisa hawsha guriga intay xaaska I cafimadayso. “

Kadib odaygii wu ogolaaday oo waxa uu raaciyay inan kale. markii ay safakoodi bilaabeen oo ay in xooga ah socdeen ayuu hadana cunay inantii kale.

Mar sadexaad ayuu so noqday isaga oo waydiisanaya inan kale :”adeer inantii kale guriga ayay ka shaqaynaysaa ee inan kale isii oo Adhiga ii raacda.”

Hadana mid kale ayaa la raaciyay , markii ay socdaaleen ayuu iyadna cunay . Ninkii mar afaraad ayaa uu so noqday isaga oo leh:”Adeer inantii kale way iga xanuunsatay ee mid kale oo dharka ii maydha isii markay xaaska ii caafimaado ayay so noqon.”

Kadib mid kale ayaa la siiyay iyadna sidii oo kale ayuu u cunay. ugu danbayn waxa uu waydiistay inantii ugu yarayd ee Gobdeeq, sidii si la mida odaygii wuu ogolaaday Balse Gobdeeq waxa ay ahayd inan aad u caqli badan wayna ka shakiday ninka. Isla markiiba Waxa ay diyaarisay alaab ay isku dhax dartay waxana ka mid ahaa Qaji, Dacar, milix iyo kuwa kale si ay isaga badbaadiso hadii ay wax dhacaan.

Maalintii xigtay ayaa safarkoodii bilaabmay waxayna raaceen Awr. Markii in mudo ah la socday ayuu yidhi :” iga nasi Geela wan daale.” Kadib Goddeeq ayaa awrkii waday.ninkii isla markiiba waxa uu isku badalay Bahal dad cun ah waxana uu isku dayay isla markiiba inuu cuno iyada balse indhaha ayay kaga shubtay qajigii ay wadatay.

Gobdeeq waxa ay ka kortay Geed dheer oo xadhig leh waxana ku hoos yaalay ceel, bahalkii wuxuu qabsaday xadhigii isagaoo raba inuu Geedka koro Balse Gobdeeq isla markiiba waxay jartay xadhigii waxa uu bahalkiina ku dhacay ceelka iyadna  sidii ayay ku badbaaday.