Samatar iyo Waraabihii
Bari waxa jirey wiil yar oo la odhan jirey Samatar waxa uu la noolaa hooyadii meel baadiye ah.
Samatar wuxuu jeclaa inuu meel fog kaligii u baxo inkastoo ay hooyadii mar walba ku odhan jirtay:
“Samatar, ha fogaan, Meel dhow oo aan ka arkayo ku ciyaar.”
Laakiin marna ma dhageysan jirin.
Maalin qorraxdu aad u kulushay ayuu Samatar Yidhi:
“Anigu waan weynahay, meel fog baan tagi karaa oo ku ciyaari karaa!”
Waxuu galay meel kayn ah oo ay dhirtu ku badan tahay, balse wuxuu arkay waraabe.
Wraabihii isagoo oo qoslaya ayuu yidhi:
“ Kaalay kuma cunayee”
Samatar wuu baqday, waxuuna bilaabay inuu qayliyo:
“Hooyo! Hooyo!”
Nasiib wanaag, Eyga adhiga la raaciyo oo ka ag dhawaa ayaa maqlay qaylada.
Wuxuu si degdeg ah ugu soo orday meeshii waanu ku qayliyay:
“Waa maxay ?”
Waraabihii wuu cararay.
Samatar waxuu u cararay hooyadii, waxana uu yidhi:
“Hooyo, waan khaldanaa.”
Hooyadii ayaa ku tidhi:
“Qofkii talo maqli waaya, dhib buu la kulmaa.”