Sheekadii Istaahil iyo Dugsigii cusbaa
Waxaa jirtay gabadh yar oo la odhan jiray Istaahil .Istaahil waxay ahayd gabadh edeb badan, caqli badan oo jeclayd waxbarashada.
Maalin ayaa hooyadeed geysay dugsi cusub maadaama ay usoo guureen magaalo cusub. Istaahil way faraxsaneed balse qalbigeeda wax yar ayay ka warwarsanayd. “Ma heli doontaa Saaxiibo” ayay ku fekeraysey.
Maalintii ugu horreysay Istaahil waxay fadhiisatay kursigeeda iyadoo aamusan.
Laakiin dhowr Hablood oo kale ayaa u yimid .Mid ka mid ah ayaa tiri:”Adigu wad cusubtahay ,wa inaad amarkayaga qaadata hadad rabtid inad sii joogto dugsiga”.
Mid kale ayaa qososhay waxayna tidhi:”Hadii aadan na maqlin, waxaad la kulmaysa caqabad”.
Waxay bilaabeen inay ku mahadsadaan kana qaataan qalinka iyaga oo ku odhanaya hadalo xun xun.
Istaahil ma ooyin mana qaylin waxayna ogayd inay rabaan inay ka baqdo…. Balse way garanaysey waxa ay samaynayaan.Markii ay hablihii u yimaadeen markale, Istaahil si deggan ayay u tidhi:”Ma jecli in la i dhibo. Haddii aad joojin weydaan, macallinka ayaan u sheegi doonaa”.
Hablihii way yaabeen, may filayn inay istaahil sida caqliga badan ula hadasho.
Macallinkii ayaa arkay waxa dhacaya wuxuuna u yeedhay gabdhihii.
Wuxuu ku yidhi:”Dugsigu waa Goob waxbarasho, layslana jecel yahay ee ma aha meel la isku dhibo.”
Maalintaa wixii ka danbeeyay hablihii way joojiyeen daandaansigii. Qaarna xitaa waxay noqdeen Istaahil saaxibadeed.Istaahil waxay heshay saaxiib cusub oo la yidhaahdo Hoodo.
Fariinta sheekadu waa : ” U sheeg qof weyn marka aad dhib dareento”.