Shimbirtii Dhistay Buulkeeda

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa roob weyn oo xoog leh da’ay. Dabayl ayaa socotay, geeduhu aad bay u luxmayeen, Ciiduna way kacday oo is bedel xaga hawada ba dhacay . Xayawaankii kaynta deganaa waxay galeen meelo ay ka gabbadaan roobka.
Balse shimbir yar oo lagu magacaabo Siman ma haysan meel ay ku hoyato. Waxay kor iyo hoos u baadi goobtay meel ay roobka kaga gabbato, balse meel ammaan ah ma helin. Roobkii iyo dabayshii ayaa sii xoogaystay, baalasha Simana way qoyeen.
Markii roobku yara joogsaday, Siman way daashay, laakiin waxay ku fikirtey:
“Ma sii sugi karo roob kale! Waa inaan dhistaa meel aan ku hoydo.”
Maalintii xigtay, waxay bilowday ururinta laamo, caws iyo caleemo. Maalin kasta way shaqeyn jirtay, xitaa markay daalan tahay.
Shimbirihii kale waxay ku qosleen, waxayna yidhahdeen:
“Siman, maxaad waqti uga luminaysaa laamo?”
Laakiin Siman ma aysan joojin. Waxay dhistay buul yar oo adag geed sare ah, waxayna tidhi:
“Ma doonayo inaan mar kale waayo meel an roobka ka galo.”
Maalmo kadib, roob kale oo laxaad leh ayaa da’ay. Shimbirihii aan buul dhisin way ruxmeen dabaysha awgeed , qaarna way qoyeen. Balse Siman waxay fadhiday buulkeedii cusbaa, iyadoo qoyin ,oo an dhaxamoon.
Markii roobkii dhammaaday, shimbirihii kale waxay u yimaadeen, waxayna ku yidhaahdeen:
“Siman, waad saxnayd. Dadaalkaagii wuu ku anfacay.”
Siman way dhoolla-caddeysay, waxayna tidhi:
“Qofkii maanta shaqeeya, berri wuu nastaa.