Sirtii furaha iyo Safarkii Sahra iyo Rooble

Maalin ay qorraxdu dhalaalayso ayaa Sahra iyo walaalkeed Rooble ku ciyaarayeen bannaanka gurigooda oo ku yaallay tuulo yar oo qurux badan. Geedaha hoostooda ayaa shimbiro ka heesayay, dabayshuna si tartiib ah ayey caleemaha u lulaysay.
Markii ay kubbadda isku tuurayeen, ayaa Sahra aragtay wax yar oo dhalaalaya oo lagu qariyey hooska geed weyn. Waxay ugu yeertay Rooble:“Rooble, bal kaalay! Waxan arkaa wax aan caadi ahayn.”
Markii ay labadooduba soo dhowaadeen, waxay heleen fure si qurux badan loo sameeyey oo dahab ah. Rooble ayaa yiri:“Furahan wuxuu u muuqdaa mid albaab qarsoon lagu furo. Laakiin xaggee ayaa albaabkaas ka jira?”
Waxay bilaabeen inay baaraan hareeraha, ugu dambayna waxay gaareen buuro yar oo dhagaxyo badan leh. Halkaas ayay ka heleen albaab yar oo lagu dhejiyay dhagax weyn. Rooble wuxuu isku dayay furihii, albaabkii ayaa si tartiib ah u furmay.
Gudaha waxaa ku jiray god ballaaran oo iftiin cad ka soo baxayo. Waxay galeen si taxadar leh, waxaanna ku hortimid xayawaan cajiib ah oo la mid ah libaax, balse leh baalal shimbireed iyo cod deggan.
Xayawaankii ayaa ku yidhi:“Magacaygu waa Magan. Anigu ma ihi cadow, ee waxaan ahay ilaaliyaha tuulada ee qarsoon. Qof kasta oo qalbi wanaagsan leh ayaa halkan la keenaa.”
Sahra ayaa yaabtay waxayna tiri:“Anagu waxanu nahay carruur ciyaaraysa, ma garanayno siraha.”
Magan ayaa qoslay wuxuuna ku yidhi: “Wax sir ah looma baahna, laakiin waxaad halkan ka baran doontaan geesinimo iyo daacadnimo. Haddii aad dadka kale caawisaan, mar walba waxaa idiin furmi doona waddooyin cusub oo nolosha idin horumarisa.”
Markaas ayuu siiyey hadiyad yar oo dhalaalaysa , dhagax iftiimaaya oo mar walba tusaya jidka saxda ah marka ay wareeraan.
Sahra iyo Rooble way ku farxeen, waxayna u ballanqaadeen inay dadka iyo deegaanka ku dadaali doonaan. Markii ay dibadda uga soo baxeen godka, albaabkii wuu is xidhay, laakiin dhagaxii iftiimayay ayaa gacantooda ku sii jiray.
Waxa ay noqotay xusuus aanay waligood illoobin.