Tukihii Haraadana

Dhageyso Sheekada

0:00 0:00

Bari hore waxa jirey Tuke ku noolaa  kaynta . Maalin maalmaha ka mida Tukihii waxa uu duulay masaafo dheer kadibna aad bu u haraaday markas wu istaagay,wuxuna ku dul waregay gooobtii balse waxba kama helin goobtas. Tukihii wuxuu dareemay daal aad u fara badan balse ma rajo dhigin.waxana uu kayntii oo dhan ka raadiyay biyo , intii u duulayey wuxu arkey guri, Isaga oo  isleh guriga waxad ka heli biyo waxa uuna dul fadhiistay guriga dushiisa.

Waxa uu arkay Dhari dhax yaala guriga,waxa uu markiiba usoo duulay xagii dhariga balse wuxuu arkay inay biyo aad u yar ku jiraan Dhariga. Waxa uu aad ugu farxay inuu biyo helay balse nasiib daro biyaha gunta ayay joogaan oo ma uu gaadhayn.Tukihii in badan buu fikiray waxana uuna ku fikiray:”Hadii aan dhagaxan qururux ah ku guro dhariga waxa laga yaaba inay biyaha kor usoo kacaaan markaa wan cabi karaa”.

Waxa uu arkay dhagaxaan qururux ah oo meel u dhow yaala , waxa uu bilaabay inuu dhagaxaanti afka kuso qaado oo marba mid dhariga ku rido. Biyihii ayaa inyar kor usoo kacay balse wali ma uusan gaadhayn, Tukihii rajadiisii ma lumin oo  waxa uu kolba afka kuso qaadayey dhagaxan yar yar ilaa uu ka buuxsamay dharigii . aad ayuu u farxay waxana uu bilabay inuu cabo biyihii ilaa uu calooshisa ka buuxiyay.