waraabe

Dhageyso Sheekada

0:00 0:00

Bari waxa jiray waraabe, waraabihii waxa uu u yimid laba nin labadii nin waxa uu ku yidhi waraabihii “waxan doonaya in magaca waraabe la yidhahdo  layga badalo”.

Waayahay bay yidhahdeen nimankii way ka yeelen. sadex magac midkood halay bixiyo bu yidhi waraabihi deetana waxa uu yidhi  aamiin, amaan iyo amiin .nimankii waxay yidhaahdeen wanu kuu bixinaynaa, Hashaa iyo Nirigtaas  ayan kaga tagayna, aanu kugu nimaadno hashaas iyo nirigtaas oo caafimaad qaba . sadex cishaan ka maqnanaynaa ,sadexdaa cisho waxanu doonaynaa sadexdaa magac aad dooratay ka ugu fiican inan ku bixino .

Markii uu maalin adkaystay ayuu yidhi alaylehee maxad samaysaa ,dabadedna Hashii ayuu candhada goostay . maalin sadexaadii nimanku iman lahayeen subaxnimadeedii ayuu hadana nirigtii faruuryaha goostay .

waxay u yimaadeen galinkii danbe waxay yidhaahdeen” hasha so godol waraabow”.  Markaasuu yidhi” moo murush murush”. Waraabow hasha maxa ku dhacay ba la yidhi , maxay nirigtu hasha la jaqi la’dahay , markasuu yidhi” Nirigtu hasha maxay ka nuugta maxayse ku nuugta “. Hashii candhadii buu goostay nirigtiina faruuryihii buu goostay. Halka waxa ka dhalatay maahmaah ah” caadadii nina ma  baajo,bahal caydhiin ma daayo carro wa dhalankii”. Sidas baa lagu kala tagay.