Cali Beenale : Qaybtii 1’aad
Waxa jiri jirey wiil la yidhaahdo Cali Beenaale, waxa uu ku noola tuulo ku taala Baadiyaha/Miiga Barwaaaqo. Cali waxa uu la noola qoyskiisa oo ka kooban 6 qof. Cali waxa uu been u sheegi jirey caruurta isaga oo uga sheekaynaya sheekooyin uu isagu alifay.
Maalin maalmaha ka mida ayuu is yidhi bal ku day dadka waawayn beentaada. Cali waxa uu sameeyay sheeko been ah oo ah inuu qayliyo oo dadka ku yidhaahdo :”wa Waraabe, wa Waraabe, Xoolihii wa la cunay”.
Cali maalintii ku xigtay adhigii ayuu u kaxeeyay daaqii kadibna waxa uu ku qayliyay :” Wa waraabe, wa waraabe , adhigii waxa laayey Waraabe”.
Tuulada dadkii ku noola waxay soo qaateen Waran,Leeb iyo qaanso iyaga oo raba inay dilaan waraabaha Balse markii ay gaadhen goobtii waxay ugu tageen Cali iyo adhigii oo daaqaya.
Markii Cali la waydiiyay Waraabihii wa uu qoslay isaga oo leh:” Beentay bay ahayd”. Dadkiina iyaga oo Xanaaqsan bay ku noqdeen guryahoodii.
Mudo kadib Cali oo la joogo xoolihii waxa so weeraray Dhurwaa dad cun ah , Cali isla markiiba waxa uu u cararay dhanka tuulada isaga oo ku qaylinaya :” Tolaay, Tolaay i caawiya, adhigii waxa cunay Dhurwaa, dadkii tuulada cidi umay bixin oo waxay yidhaahdeen :“Wa beentii iyo wuu ciyaaraya”.
Cali Beenaale wuxu ku noqday adhigii uu laayay dhurwaagi. Cali isaga oo xanaaqsan ayuu ku yidhi dadkii tuulada :” Maxaa la ii caawin waayey”
Dadkii tuulada ayaa ugu jawaabay :” Beentaada hore Runtaada ayay dishaa”.