Libaaxii iyo Saddexdii Dibi

Libaaxii iyo Saddexdii Dibi

Waxa tuulada Gababaha ku noola  saddex dibi oo saaxiib ahaa ilaa yarantoodi waxayna ahaayeen kuwa aad isugu dhow oo markasta wada jooga. Waxay lahayeen midabo kale duwan sida mid cad, mid cas iyo mid madow.

Dhulku wuxu ahaa mid barwaaqo ah waxay sidaa ahataba Maalin maalmaha ka mida waxa tuulada so galay Libaax wayn oo gaajaysan markaasna waxa uu arkay sadexdii Dibi, waxa uuna damcay inu cuno balse ma cuni karayn maadama ay markasta wada joogaan oo ay ahayeen qaar isku duuban.

Libaaxii aad bu u fekeray waxa uuna go’aansaday inuu u yeedho  iyagii isaga oo ula hadlayo qaab saaxiibtinimo ah:” waxan ahay Boqorka kaynta mana rabo ina wax dhib ah gaysto waxan rabaa inan idin la noolaado si nabad ah sidoo Kalana aynu iska difaacno cadowga kale”

Dibidii way ka aqbaleen codsigiisa, libaaxina khiyaanadii iyo dabinkii uu u dhigi lahaa ayuu ku guulaystay. Mudo markii nabad lagu wada noola ayuu libaaxii gaar ula hadlay dibigii casa aiyo kii madowaa:” Dibiga cad midibkiisa cadi aad bu u dhalaala taasoo keenaysa habeenkii in dugaaga kale ay kaso arkaan meel aad u fog oo ay nagu so eegtaan, hadii aynu iska qabano nabad baynu helaynaa “

Nasiib-daro labadii Dibi way is eegeen wayna la qateen libaaxa so jeedintiisa. Maalmo kadib libaaxii waxa uu u tagay dibigii cadaa oo iska daaqaya kaligii waanu cunay isaga oo ku guulaystay talaabadii koobaad ee dabinkii uu dhigay.

Dibigii casa iyo kii madowaa waxa ay dareeman cidlo balse waxay isku qanciyeen in hada aanay so arki Karin dugaaga kale ayna si nabad ah ku noolan karaan. Si kastaba ha ahaate waxa aad u daciifay kalsooonidii ka dhaxaysey labadooda.

Libaaxii waxa uu markale u yeedhay dibigii madowaa wuxuna ku yidhi:”Dibiga cas waxa uu midibkiisa u eegyay dhiig, dhiiguna waxa uu habeenkii u hilaaca dugaaga kale, hadii aynu isaga iska erino waxa kuwada noolanaya si nabada aniga iyo adiga ee arinka sided u aragtaa?”

Dibigii madowaa isaga oo ka cabsanaya libaaxa ayuu aqbalay arinkii uu u sheegay libaaxi. Isla markiiba libaaxii waxa uu u tagay dibigii casaa waxa uuna u sheegay in uu si dhakhsiya iskaga baxo tuulada. markay habeen noqotay libaaxii waxa uu ka daba tagay dibigii casaa isaga oo weeraray rabana inuu cuno. Dibigii casaa waxa uu u qayliyay saxiibkiisii madowaa balse dibigii madowaa wuu iska indho tiray isaga oo maqlaya isla markaana Libaaxii halkii bu ku cunay dibigii casaa.

Subaxdii xigtay libaaxii waxa uu u tagay dibigii madowaa isaga oo dhoosha ka qoslaya ,dibigii madowaa isaga oo aad u qoomamaynaya ayuu yidhi:” ma waxa aad rabtaa inad ii cunto sidaad u cuntay saaxiibadaydii “.

Libaaxii ayaa yidhi:” marka sadexda ahaydeen wan idinka baqayay balse hada Maya”.

Dibigii madowaa isaga oo aad u murugaysan ayuu yidhi:” manta ma dhiman ee waxan dhintay maalinkii la cunay dibigii cadaa”.

Dulucda sheekadu waa in midnimo ay tahay xoog, kala qaynbsanaantuna tahay burbur iyo tafaraaruq.