Qayb libaax

Dhageyso Sheekada

0:00 0:00

Maalin maalmaha ka mida ayay habar dugaag wada u gaadhsi tageen waxayna heleen Awr meel maraya , intay weerareen ayay dileen awrkii. Waxay ag fadhiisteen raqdii awrka mid waliba waxuu sugaya inuu dhadhamiyo hilibkii balse midna kuma dhacayo inuu dhadhamiyo ilaa uu ogolaado libaaxa .

Libaaxii oo ahaa boqorka habar dugaag ayaa yidhi:” Waraabow si wanaagsan ukala qaybi hilibka”.  Waraabihi ayaa yidhi :” marka laba meelood loo qaybiyo boqorow qayb adaa leh qaybna habar dugaag”. Libaaxii ayaa cadho darteed dhirbaaxo ku dhuftay waraabihii , waraabihii oo isha laadlaadinaya ayaa dib u fadhiistay . wuxu libaaxii ku yidhi habar dugaag wad u jeedaan inuu waraabe garan waaye si loo qaybiyo hilibka ee dacawooy bal inaad adigu dhaanto isku day inaad qaybiso neefka.

Dacawadii oo cabsanaysa ayaa tidhi :”Badh neefka adaa leh boqoroow  , badhka kale nus adigaa leh ,rubuca hadhayna badh adiga leh “. Intaanay hadalka dhamayn libaaxi qosol ayuu u dhacay waxana uu yidhi dacawooy wad taqana sida hilibka loo qaybiyo ee yaa ku baray . dacawadii oo qoslaysa ayaa tidhi:” boqorkii xooga waynaayow isha waraabe ka laadlaaada ayaa I bartay “. Bahaladii kale way qadeen oo iyagoo cadhaysan ayay kayntii ku noqdeen .