Sheekadii Arawelo

Sheekadii Arawelo

Waagii hore, waxaa jiri jirtey boqorad Soomaaliyeed oo la odhan jiray Arawelo. Arawelo waxay ahayd naag xoog leh, caqli badan oo geesiyad ah. Waxay jeclayd inay dadka dumarka ah taageerto waxayna doonaysay in ay dumarku xoog yeeshaan raguna aysan dulmin.

Maalin maalmaha ka mid ah, Arawelo waxay tiri: “Haweenku way shaqeeyaan, waxa ay daryeelaan carruurta, waa ay kala wadaan reerka. Maxaa loo dayacay? Waa inay iyaguna awood yeeshaan!” Dumarkii way taageereen wayna ku raaceen.

Waxay bilowday inay dhisto ciidamo ka samaysan haween, waxayna noqdeen kuwo caan ah. Rag badani way ka carareen, qaarna way ka cabaadeen. Carruur badan ayaa la sheegay inay ku qosleen, iyagoo leh: “Boqoraddii ragga ka adkaatay waa Arawelo!”

Sheekooyinka qaar waxay sheegaan in Arawelo aad u adkayd. Waxay xeer ka dhigtay in haweenka la tixgeliyo oo aan la dulmin. Qaar ka mid ah ragga aad bay uga xumaadeen, qaarna way ka baqeen. Laakiin haween badan waxay yiraahdeen: “Arawelo waa geesiyad Waxa ayna bartay inaan isku kalsoonaano.”

Dhammaan tuulooyinkii iyo beelihii way ka sheekeeyeen. xiligan hada la joogo Carruurtu way maqlaan magaceeda waxayna bartaan in Arawelo ahayd boqorad Soomaali ah oo la xusuusto ilaa maanta.